Posts

Showing posts from February, 2022

URTA AAN WANAAGSANAYN EE AFKU YEESHO

 URTA AAN WANAAGSANAYN EE AFKU YEESHO Afka oo ay ka soo baxdo neef aan urteedu wanaagsanayn waa  arrin la karaahiyeysto. Tani waa dhib soo wajihi karta qof kasta oo dunidan guudkeeda ku nool—ha yaraado ama ha waynaado e.  Neefta afkaaga ka soo baxaysaa maaha wax aad adigu maamuli kartid mana aha wax aad adigu dadka ka ilaalin kartid. Waxa dhacdaba in aanu qofku inta hore ogaanba; tani waa ay dhacdaa oo waa wax jira. Dhaqanka Soomaalida ee aynu haysannaa waa mid aan wanaagsanayn, marka laga eego xagga wax sheegga oo waa aynu ka xishoonnaa qofka aynu ku aragno arrimahan oo kale. In qofka loo sheegaa waa ay adag tahay laakiin se waxa wanaagsan in dadka loola wadaago si qurux badan oo farshaxnimo wanaagsani ay ku dheehan tahay. Neefta soo maraysa afka oo aan wanaagsanyn waxa ay u kala qaybiyaan khubarada ku takhasustay xanuunnada guud ama kuwa afkuba, laba qaybood:        b. afka oo aan si fiican loo nadiifin sida caday la’aan; waxa la arkaa arroorta hore ...

DHIGGAA BARYO LAGAMA SUGO

 DHIGGAA BARYO LAGAMA SUGO “Dhib iyo dharag baa isxiga Nafluhu waa u kala dhaxaa Dharaarba mid bay darsaan” Baryadu maaha shay wanaagsan marka laga eego dhanka dadka, ta Ilaahay se waa ay furan tahay oo Ilaahay waaba uu ku farxaa marka uu qofku baryo. Haddaba innaga oo intaas oo dhan og, garnayna in aanay wanaagsanayn, haddana waxa aynu aragnaa iyada oo dadku qaab baryo ah wax isku waydiisanayaan. Waa ta koobaade, waxa aan filayaa baryada iyo waydiintuba in ay xaaraan yihiin in aad ila qirsan tihiin oo aad igu raacsan tihiin, haddana kama maaranno oo waa aynu adeegsannaa isticmaalka baryada iyo waydiisigaba. Waa maalmo duniduye qofka waxyar haystaa waa uu  kibraa oo sanka ayaa uu taagaa badan koodu , waana calaamada lagu garto dadka calooshood la ciyaarka ah ama adduun la ciyaarka ah.  Dadka oo dhammi isku mid maaha’e waxa jira qaar wax haysta oo faxaliin ah, waxna ka bixiya xoolaha Ilaahay u dhiibay oo aanay kibir iyo wax santaag la yidhaahdo aanay is arag—waana sida ay ...

JACAYLKU SIDUU U HELAY, AYUU U JIBAYSAN YAHAY

  JACAYLKU SIDUU U HELAY, AYUU U JIBAYSAN YAHAY. Waa aroor, Xasan waxa caado u ah in uu kaco subaxa hore, dhulku waa diirimaad dadkuna badi way wada tooseen, waa barwaaqo, dadka badan kooduna way ladan yihiin. Wax dhib ah lagama soo sheegin reeraha dariska la ah xasan. Xasan hada waxa uu ku jiraa marxaladii haasaawa iyo guur doonka, sida caadada u ah dadka degan tuulada uu xasan ku nool yahay oo aan magaalada sidaa uga dheerayn waxa caado u ah in wiilku xili hore uu guursado ama uu hore guri u yeesho. Maskaxdiisa waxa ku wareegaysa oo aan marnaba ka baxsanayn in uu yahay waayeel wadi kara hawlaha guriga iyo dhamaan wixii looga bahnaa in uu qabto nin reerlihi. Xasan maalmaha qaar waxa uu iman jiray magaalada oo adeerkii degan yahay, sidii caadada u ahayd waxa uu hada u soo anbo baxay magaalada si uu adeerkii u soo booqdo, waxna uga soo iibsado magaalada, waxa uusoo wadaa waxar yar oo uu ugu talogalay in uu magaalada hawlihiisa kaga soo qabsado. Hada waxa uu soo gaadhay magaalada wa...

Dharka waa la wada xidhan yahee, qaybdhan baa maqan

               " Dharka waa la wada xidhan yahee, qaybdhan baa maqan "   Waxa aan jeclaystay in aan qisadan idinkula wadaago bartaydan facebook. Waa subax hore oo aan u diyaar garoobay in aan qabsado shaqo maalmeedkaygii iyo hawlihii ii qorshaysnaa maalinkaas. waxa ii qorshaysan dhowr arrimood oo aan u kala horeysiistay sida ay iigu kala muhiimsanaayeen markaas. Waxa aan darreemayaa firfircooni dheerraadda iyo farxad aad u baddan, wakhtigu waa aroor hore oo cadceed baddani ma jirto, dadka badan kooduna waxa ay jeclaysannayaan falaadhaha cadceedda ee sida wannaagsan ugu dhacaya maqaarka sarre ee jidhkoodda oo ay ka darreemayaan diirimmaad yar oo aad u wannaagsan. Aniga oo ku jira xaalladdaa aan kaaga soo warramay ee aad ka u quruxda badan ayaan mar qudha waxa ay indhahaygu qabteen islaan da’ ah oo aan ku qiyaasay illaa 70 jir, oo ay xannuuno naafeeyeen, maskax aahaan se u caafimaad qabta laakiinse jidh ahaan ...

XANUUNKA JABTIDA( Gonorrhea).

 XANUUNKA JABTIDA( Gonorrhea). Jabtidu waa infekshan bakteeriya dhaliso. Waxa lagu kala qaadaa galmada (isutaga),  Xubnaha ay raga kaga dhacdo waxa ugu badan ( Tuumbooyinka kaadi mareenka) Dumarkana waxay kaga dhacdaa ( afka ilmo galeenka. Tuumbada kaadida. Malawadka. Cunaha. Miskaha) Calaamadaha iyo astaamaha.  Astaamaha xanuunku waxay soo baxaan inta u dhaxaysa 1 ilaa 14 cisho, kadib markii uu infekshanka qaaday. Waxa suurogal ah in jabti kugu dhacday oo aaney lahayn wax astaan ah. Raga ayaa inta badan astaamo ka muuqdaan  Astaamaha Ragu ay yeeshaan  1. Malax ka timaada xubinka taranka  2. Xiniinta oo bararta ama xanuunta  3. Kaadida oo gubta  Astaamah Dumarka  1. Caadada dumarka iyo wixii lamida oo isbedela, waxa laga yaabaa in midab huruudi ama doogo ah yeesho, oo ur culisi la socoto 2. Xanuun yimaada xiliga galmada  Waa inaad la xidhiirtaa dhakhtarkaaga sida ugu dhakhsaha badan hadii aad u malaynayso inaad jabti kugu dhacday.  ...