XANUUNKA JABTIDA( Gonorrhea).

 XANUUNKA JABTIDA( Gonorrhea).


Jabtidu waa infekshan bakteeriya dhaliso. Waxa lagu kala qaadaa galmada (isutaga), 

Xubnaha ay raga kaga dhacdo waxa ugu badan ( Tuumbooyinka kaadi mareenka)

Dumarkana waxay kaga dhacdaa ( afka ilmo galeenka. Tuumbada kaadida. Malawadka. Cunaha. Miskaha)


Calaamadaha iyo astaamaha. 

Astaamaha xanuunku waxay soo baxaan inta u dhaxaysa 1 ilaa 14 cisho, kadib markii uu infekshanka qaaday. Waxa suurogal ah in jabti kugu dhacday oo aaney lahayn wax astaan ah. Raga ayaa inta badan astaamo ka muuqdaan


 Astaamaha Ragu ay yeeshaan 

1. Malax ka timaada xubinka taranka 

2. Xiniinta oo bararta ama xanuunta 

3. Kaadida oo gubta 


Astaamah Dumarka 

1. Caadada dumarka iyo wixii lamida oo isbedela, waxa laga yaabaa in midab huruudi ama doogo ah yeesho, oo ur culisi la socoto

2. Xanuun yimaada xiliga galmada 


Waa inaad la xidhiirtaa dhakhtarkaaga sida ugu dhakhsaha badan hadii aad u malaynayso inaad jabti kugu dhacday. 


W/Q : Abdimajed Mohamed MS

Refrence: CDC

Comments

Popular posts from this blog

JACAYLKU SIDUU U HELAY, AYUU U JIBAYSAN YAHAY

URTA AAN WANAAGSANAYN EE AFKU YEESHO