Dharka waa la wada xidhan yahee, qaybdhan baa maqan

 

             "Dharka waa la wada xidhan yahee, qaybdhan baa maqan"

 

Waxa aan jeclaystay in aan qisadan idinkula wadaago bartaydan facebook.

Waa subax hore oo aan u diyaar garoobay in aan qabsado shaqo maalmeedkaygii iyo hawlihii ii qorshaysnaa maalinkaas. waxa ii qorshaysan dhowr arrimood oo aan u kala horeysiistay sida ay iigu kala muhiimsanaayeen markaas.

Waxa aan darreemayaa firfircooni dheerraadda iyo farxad aad u baddan, wakhtigu waa aroor hore oo cadceed baddani ma jirto, dadka badan kooduna waxa ay jeclaysannayaan falaadhaha cadceedda ee sida wannaagsan ugu dhacaya maqaarka sarre ee jidhkoodda oo ay ka darreemayaan diirimmaad yar oo aad u wannaagsan.

Aniga oo ku jira xaalladdaa aan kaaga soo warramay ee aad ka u quruxda badan ayaan mar qudha waxa ay indhahaygu qabteen islaan da’ ah oo aan ku qiyaasay illaa 70 jir, oo ay xannuuno naafeeyeen, maskax aahaan se u caafimaad qabta laakiinse jidh ahaan aad ayaa ay u liidataa oo dhaqaaquna wuu ku addag yahay, marka ay kula hadlaysana waxa aad ka darreemaysaa hadalkeedda in ay xannuunsanayso.

Islaantu waxa ay rabtaa in ay ka tallowdo waddo aan rabo in aan ka raaco bas u socday xagga suuqa wayn ee magaallada wadneheeda ku yaalla, markii aan ku soo dhawaaday ayaan is idhi caawi oo ka tallaabi wadada.

Jab ba waa ka danbeeyee show islaantu waxa garrab socota gabadh ay inanteedu dhashay oo la socota, inantani la socota islaantu maskax ahaan ma caafimaad qabto, waxay se u muuqataa qof caadiya oo waxa ay xidhan tahay dhar aad u qurux badan, hadaba gabadhan xanuunsanaysaa waxa ay dadka ka illaalinaysaa in ay u dhawaadaan islaantan, anniguna ma garranayo. Waxa aan is idhi caawi islaanta kadibna anniga oo barraad la ayuun bay igaga timiday xaga danbe, waxa aanay ii tuurtay xaga hore, nasiib wanaag dhulka kuma aan dhicin laakiinse waan is qabtay. Islaanta lafteedu way ii sheegaysay in ay inantanni la socoto oo ay dadkana sidan u tuurto mar walba hase ahaateen islaanta oo neeftuuraysay, hadalkeedana aan si fiican loo maqlayn ayaan anniguna fahmi waayay.

Waan aamusay markii ay I tuurtay, way iga tagi wayday inanta yari oo way igu soo noqnotay markaas ayaan mar qudha waxa niyadayda ku soo dhacday, "Dharka waa la wada xidhan yahee, qaybdhan baa maqan". Markaa aan intan leeyahay waxa aan moodayaa gabadh caafimaad qabta oo si ulla kaca ii weeraraysa.

 

Anniga oo yaaban ayaa waxa isoo ag joogsatay gabadh si fiican ugaranaysay islaanta iyo inantan yar ee maskaxda ka xanuunsanaysay oo ii sheegtay in inantu xanuunsanayso.

Waxa aynu ognahay in dad baan oo dhar qurux badan xidhani aanay maskax ahaan u miyir qabin. Ilaahay ayaa caafimaadka bixiyee dadka sidan u xanuunsanaya ha caawiyo oo ha loo dulqaato.

WQ: Dr. Farxaan cali Cumar

 

Comments

Popular posts from this blog

JACAYLKU SIDUU U HELAY, AYUU U JIBAYSAN YAHAY

XANUUNKA JABTIDA( Gonorrhea).

URTA AAN WANAAGSANAYN EE AFKU YEESHO