URTA AAN WANAAGSANAYN EE AFKU YEESHO
URTA AAN WANAAGSANAYN EE AFKU YEESHO
Afka oo ay ka soo baxdo neef aan urteedu wanaagsanayn waa arrin la karaahiyeysto. Tani waa dhib soo wajihi karta qof kasta oo dunidan guudkeeda ku nool—ha yaraado ama ha waynaado e.
Neefta afkaaga ka soo baxaysaa maaha wax aad adigu maamuli kartid mana aha wax aad adigu dadka ka ilaalin kartid. Waxa dhacdaba in aanu qofku inta hore ogaanba; tani waa ay dhacdaa oo waa wax jira.
Dhaqanka Soomaalida ee aynu haysannaa waa mid aan wanaagsanayn, marka laga eego xagga wax sheegga oo waa aynu ka xishoonnaa qofka aynu ku aragno arrimahan oo kale. In qofka loo sheegaa waa ay adag tahay laakiin se waxa wanaagsan in dadka loola wadaago si qurux badan oo farshaxnimo wanaagsani ay ku dheehan tahay.
Neefta soo maraysa afka oo aan wanaagsanyn waxa ay u kala qaybiyaan khubarada ku takhasustay xanuunnada guud ama kuwa afkuba, laba qaybood:
b. afka oo aan si fiican loo nadiifin sida caday la’aan; waxa la arkaa arroorta hore marka uu qofku soo tooso.
t. xanuun ku dhaca afka gudihiisa ama cirridka kaasi oo keenaya in afka ay ku ururaan fayrasyo iyo bakteeriya.
MAXAA KEENA IN URTA AFKU XUMAATO
Khuburada cilmiga afka iyo sanku waxa ay sheegaan 90% waxa uu ka yimaaddaa afka oo aan si fiican loo nadiifin iyo ilkaha oo uu shuush galo (“shuush” ma suus baa aad uga jeeddaa mise hadhaaga cuntooyinka afka kaga hadha).
Haddaba carrabku waxa uu lee yahay meelo yar oo soo taagtaagan, haddii aan aroor walba si fiican loo nadiifin waxa ka iman kara in afku uro.
Waxa kale oo carafta aan wacnayn ee afku ka iman kartaa meel ka baxsan afka sida xanuun ku dhaca midhicirrada, sanbabbada, koodadka wajiga iyo caloosha.
Waxa aan marnaba la illaawi karin in urtu ka iman karto qofka oo isticmaala cuntooyinka urta sameeya sida toonta, basasha amaba qiijiya balwadda sigaarka.
MAXAA XAL AH?
Haddaba qof kasta oo dareema in aanay wanaagsanayn neefta ka soo baxaysa afkiisu, waa in uu raadsado caawimo caafimaad si loo ogaado waxa keenay, loogana daweeyo.
Ilaahay ayaa keena xanuun oo dhan isaga ayaana qaada, waxba kuma aha in uu mar qudha waxaas oo dhan kaa dulqaado. Dadka qaar kood waaba ay la yaabaan oo uma hastaan in waxani yahay xanuun oo la dawayn karo.
UNUGYADA NOLOSHA
unugga 2aad: urta aan wanaagsanayn ee afku yeesho
WQ: Dr. Farxaan Cali Cumar
Comments
Post a Comment