DHIGGAA BARYO LAGAMA SUGO
DHIGGAA BARYO LAGAMA SUGO
“Dhib iyo dharag baa isxiga
Nafluhu waa u kala dhaxaa
Dharaarba mid bay darsaan”
Baryadu maaha shay wanaagsan marka laga eego dhanka dadka, ta Ilaahay se waa ay furan tahay oo Ilaahay waaba uu ku farxaa marka uu qofku baryo. Haddaba innaga oo intaas oo dhan og, garnayna in aanay wanaagsanayn, haddana waxa aynu aragnaa iyada oo dadku qaab baryo ah wax isku waydiisanayaan.
Waa ta koobaade, waxa aan filayaa baryada iyo waydiintuba in ay xaaraan yihiin in aad ila qirsan tihiin oo aad igu raacsan tihiin, haddana kama maaranno oo waa aynu adeegsannaa isticmaalka baryada iyo waydiisigaba.
Waa maalmo duniduye qofka waxyar haystaa waa uu kibraa oo sanka ayaa uu taagaa badan koodu , waana calaamada lagu garto dadka calooshood la ciyaarka ah ama adduun la ciyaarka ah.
Dadka oo dhammi isku mid maaha’e waxa jira qaar wax haysta oo faxaliin ah, waxna ka bixiya xoolaha Ilaahay u dhiibay oo aanay kibir iyo wax santaag la yidhaahdo aanay is arag—waana sida ay noloshu ku quruxda badan tahay.
Casrigan danbe waxa innagu soo badanaya dadka danyarta ah ee tuugsada. Dadkani waa ay kala akhlaaq badan yihiin. Waana ay kala edeb wanaagsan yihiin, qaarkood waxba ku waydiin maayaan iyaga oo baahan kuwo kalena qayladooda ayaa laga fadhiisan waayaa.
Haddaba walaalayaal ama ilmaaddeerayaal waxa innala qumman in aynu u fiirsanno dadka masaakiinta ah ee aan dadka waxba waydiisan karin iyo dhammaan bulshada kugu xeeran—si gaar ah ha loogu fiirsado bulshada danyarta ah.
Qofka ay hawluhu ku yara adkaadaan waxa aan xusuusinayaa in uu samirka iyo dulqaadka barto oo uu adkaysi u yeesho hawlaha ku soo wajaha iyo wixii la soo gudboonaada labadaba.
Adduunyadu waa daad xoor, daad xoortana waxa qaada daadka oo kolba meel kaga taga ama geeya. Aduunyaduna waa sidaa soo labadaa wajiba waa ay leedahay.
UNUGYADA NOLOSHA
Unugga 1aad: baryada
WQ: Dr. Farxaan Cali Cumar
Comments
Post a Comment