JACAYLKU SIDUU U HELAY, AYUU U JIBAYSAN YAHAY
JACAYLKU SIDUU U HELAY, AYUU U JIBAYSAN YAHAY.
Waa aroor, Xasan waxa caado u ah in uu kaco subaxa hore, dhulku waa diirimaad dadkuna badi way wada tooseen, waa barwaaqo, dadka badan kooduna way ladan yihiin. Wax dhib ah lagama soo sheegin reeraha dariska la ah xasan.
Xasan hada waxa uu ku jiraa marxaladii haasaawa iyo guur doonka, sida caadada u ah dadka degan tuulada uu xasan ku nool yahay oo aan magaalada sidaa uga dheerayn waxa caado u ah in wiilku xili hore uu guursado ama uu hore guri u yeesho.
Maskaxdiisa waxa ku wareegaysa oo aan marnaba ka baxsanayn in uu yahay waayeel wadi kara hawlaha guriga iyo dhamaan wixii looga bahnaa in uu qabto nin reerlihi.
Xasan maalmaha qaar waxa uu iman jiray magaalada oo adeerkii degan yahay, sidii caadada u ahayd waxa uu hada u soo anbo baxay magaalada si uu adeerkii u soo booqdo, waxna uga soo iibsado magaalada, waxa uusoo wadaa waxar yar oo uu ugu talogalay in uu magaalada hawlihiisa kaga soo qabsado.
Hada waxa uu soo gaadhay magaalada waxa uu iibinayaa waxartii yarayd ee uu soo kaxeeyay, waxa uu hada soo galayaa saylada oo ah meel aad u qaylo iyo shanqad badan, waxa jooga xoolo aad u fara badan oo ka kala yimid meel u dhow tuulada iyo meel ka fog labada, waxa aad maqlaysaa buuqa io saxanka, cidda iyo yeedhmada xoolaha, dhagahaaga waxa ku soo dhacaya hadal haynta qiimaha adhiga, lo’da iyo geela.
Dilaaliintu waxa ay kala boobayaan kolba xoolaha saylada soo gala, hadaba xasan na waxa uu ka mid yahay uun dadkaa saylada soo galaye hada xasan waxa la jooga laba dilaal oo waxarta qiimo wanaagsan u siinaya, way is afgarteen waana ay iibiyeen waxartii iyaga oo siiyay qiimo aad u wanaagsan oo ay waxartu ku gadantay.
Xasan waa uu niyadsan yahay lacagtiisiina gacanta ayaa uu ku sitaa iyadoo naqdi ah, waxa uu xasan u dhaqaaqay xagaa iyo xaafadii adeerkii oo uu aad ugu heelanaa in uu adeerkii kula kulmo, xaafadii waa uu gaadhay xasan waxa uu markii ugu horaysayba la kulmay khadar oo ah wiil ay ilmaadeer yihiin wada sheekaysi yar ka dib waxa uu u dhaafay xaga guriga oo uu adeerkii iyo aayadii joogeen.
Waa uu bariidiyay reerka oo kala ah aayadii, adeerkii, ilmaadeeradii iyo dadkii kale ee xaafada joogay.
Waxay saas ahaataba in yar ka dib waxa timiday Safiya oo inaadeertii ah oo hada ka soo ka timiday iskuulka oo ay saaka aroortii ku kalahday, markii ay salaam is waydaarsateen ka dib waxa uu ka waraystay iskuulka iyo muhiimada uu u leeyahay iyada, asxaabteeda iyo umada kale ee meesha iskugu timaada intaba.
Markii ay in mudo ah uga sheekaynaysay muhiimada ay waxbarashadu leedahay, waxa uu garwaaqsaday sida ay iskaga u anfici lahayd hadii uu waxbarashada gali alahaa barigii uu yaraaa, laakiinse fursad uma helin oo waxa uu eegi jiray xoolaha mana uu haysan meel uu wax ku dhigto.
Waxa ay arintu sidaa ahaataba wakhtigu waa casar gaaaban waxa uu xasan u anbabaxayaa in uu alaab iyo agab ba ka sii qaato magaalada oo uu u ambo baxo xagaa iyo xaafaduu uu ka soo jarmaadaya ama ka yimiday saaka. Inyar ka hor intii aanu xaafada ka bixi waxa xaafada soo booqanaaya inan ay saaxiibo yihiin Safiya, oo ay mudo badan is yaqaaneen.
Xasan waxa uu isha la raacayaa tusmo oo ah safiya saaxiibadeed, kolba waxa uu dhawaqeeda ka maqlayaa qolka ay joogto si aanu dadka kale u maqlayn codkooda, waa arin la yaable, laakiinse horaa loo yidhi raga damacu kama dhamaado, xasan tiisu waxay la mid tahay uun taasi aynu hore u soo sheegnay.
Safiya iyo tusmo waxa ay ku mashquulsan yihiiin sheekooyinkoodii dhaliinyaro iyo waayaha waxbaro. Waxa ay aad u xiisaynayaa ka sheekaynta filim cusub oo markaa saansaantiisu socotay oo dhaliinyarta magaaladuna aad u xiisaynaysay.
Xasan waxa u dib ugu laabtay tuuladii uu ka yimiday, maalin oo dhan waxa uu ka fikiraa tusmo oo uu la dhacsan yahay qaabkeed quruxeed iyo qawlkeeda wanaagsan ee ay ku wajahday markii u horeysay ee ay is arkeen.
“Waa u maalin wanaagsan noloshayda oo dhan way ii dhan tahay waxan ahay aroos oo waxa aan la aqal galay tusmo , noloshuba intaasay iigu dhantahay, waa nolol iyo barwaaqo aan helay iyo badhaadhe aan asxaabta tuulada dheerahay maxaa I helay arooskaygu waa kii ugu wanaagsanaa tuuladayda intii aan noolaa abid, waxa meesha ka ciyaaraya oo heeso cajiib ah iyo cod toolmoon la iigu qaadayaa, ninka meesha loo fadhiyaa waa xasan oo faraxsan, farxadiisana lama qiyaasi karo, hada hortayda waxa taagan askariga(waa ninka aroos miyiga maamula e) waxa uu soo kiciyay inan aad u cod macaan oo qaadaya heesta aan ugu jecelahay heesaha.
Hooyaday iyo aabahay aad ayay u faraxsan yihiin waxa ay iigu ducaynayaa ducadii waalidnimo, cadceedu way soo baxaysaa oo waxa ay ku dhawdahay xiligii waagu cadaan lahaa, indhaha ayaan hada kala qaaday waaba kaligay oo meel jiifa, waaba riyo oo waxan oo dhan waxba kama jiraan”.
Xasan waa uu aamusay, waanu yaaban yahay, dhanna waabu ka naxsan yahay. Waxa ay maskaxdiisu qaadan kari laada’ay nimcadii uu ku jiray iyo runtan hada hortaagan.
Akhriste imisa jeed ayaa ay kugu dhacday sheekadan oo kale ama mid u dhow, waan ku ogahay oo waad aragtay, waad qoslaysaa oo waan ku dareemayaa.
Comments
Post a Comment